Waxaa maanta munaasabad ay goobjoog ka ahayeen Guddiga madax bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka heshiis is-afgarad ku kala saxiixday Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ee Galmudug iyo Hirshabeelle.
Munaasabad lagu daahfurayay xariiqinta rasmiga ah ee Guddiga bilaabayo geeddi-socodka xadeynta soohdinta u dhaxeysa labada dowlad goboleed ee xubnaha ka ah federaalka oo ku qabsoontay Hotelka Royal Hotel Palace ayay ka soo qeyb galeen ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug mudane Axmed Xasan Cali iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle mudane Maxamed Cali Caadle, kuwaas oo labaduba soo dhoweeyay hannaanka soohdimeynta.
Eng Zakaria Ogle oo ka mid ah hawl wadeenada Nidaamka Macluumaadka Juqraafiga (GIS) ee BFC ayaa halkaasi ka jeediyay warbixin si qoto dheer uga hadlaysa habka loo marayo kala xadeynta xariiqinta ee heer Dowlad Goboleed iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhaxeeya Dowlad Goboleedyada iyo Guddiga si loo fududeeyo hannaanka kala xadeynta maamulada dalka ka jira.